Khilaafka Siyaasadeed ee Muqdisho iyo Koonfur Galbeed oo Sii Xoogeysanaya

Image

Muqdisho, Soomaaliya – Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Dowladda Federaalka ay ku xanibtay garoonka Aadan Cadde taliyaha guutada 9-aad ee ciidanka ku sugan Xudur. Taliyaha ayaa kasoo duulay magaalada Baydhabo, halkaas oo uu kaga qaybgalay shir lagaga hadlayay amniga Koonfur Galbeed oo uu la yeeshay madaxda deegaanka iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen. Markii uu damacsanaa inuu ku laabto Xudur ayaa la hakiyay safarkiisa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, ayaa ku guuleystay dadaal uu ku bixiyay in taliyaha iyo ilaaladiisa la sii daayo, inkastoo aan loo oggolaan inay maanta u duulaan Xudur. Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa diidday duulimaad magaalada Baraawe geyn lahaa wasiirro iyo saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed, taas oo muujineysa sii xoojinta khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Tallaabooyinkan ayaa loo arkaa kuwo sii hurin kara xiisadda siyaasadeed ee ka dhex oogan Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Waxaa xusuus mudan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu xilligii uu mucaaradka ahaa si adag uga soo horjeeday tallaabooyinkan oo kale oo ay qaadi jirtay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida joojinta duulimaadyada iyo xayiraadaha lagu sameeyo dadka fikradaha ka duwan qaba.

 

Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in wadahadalladii dhexmaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, aysan wax miro ah dhalin. Wararka ayaa tilmaamaya in Laftagareen uu shuruudo ku xiray ka qeybgalka wada-hadallada ama imaatinkiisa Muqdisho. Shuruudahaas waxaa ka mid ah in la beddelo Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Wasiirka Caddaaladda, Mukhtar Roobow 

Khilaafkan siyaasadeed ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, iyadoo shuruudaha la soo bandhigay ay caqabad ku noqon karaan dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo mideynta dalka. Dad badan ayaa isweydiinaya sida xal looga gaari karo is-mariwaagan, iyadoo dalka uu wajahayo caqabado amni iyo kuwo horumarineed.


GAROWE ONLINE ayaa sii wadi doonta inay idinla socodsiiso wararka ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM