Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Image

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku dayday inay hesho jadwal booqasho rasmi ah oo Xasan Sheekh ku tago Uganda intii uu ku jiray socdaalkiisii diblomaasiyadeed ee dhawaan ku tagey dalalka ciidamada ka jooga Soomaaliya, balse dadaalladaasi weli ma miro-dhalin, kadib markii uu xumaaday xiriirka la sheegay inuu soo kala dhex galay labada hoggaamiye, sida ay sheegeen ilo wareedyo xog ogaal ah.

Sida ay ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia sheegeen, dowladda Federaalka ayaa dooneysay inay qabanqaabiso booqasho rasmi ah oo Xasan Sheekh ku tago Uganda, xilli uu socdaal ku marayay dalalka ciidamada ku leh Soomaaliya. Ilo wareedyadu waxay sheegeen in socdaalkaasi uu qeyb ka ahaa dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu muujinayay taageerada dalalka gobolka, isla markaana lagu yareynayay saameynta go'aanka Mareykanka ee lagu joojinayo taageerada ciidamada shisheeye ee ka howlgala Soomaaliya.

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, uu hoos u dhacay kadib kulan dhacay 10-kii May, markaas oo Museveni uu la sheegay inuu dhiggiisa Soomaaliya ku boorriyay inuu wada-hadal la yeesho mucaaradka siyaasadda, isla markaana uu u bandhigay inuu ka gacan siiyo sidii loo gaari lahaa is-afgarad la xiriira arrimaha doorashooyinka ka hor marxaladda kala guurka siyaasadeed.

Sida ay ilo wareedyadu sheegeen, Madaxweyne Museveni waxaa kulanka ku wehliyay wiilkiisa oo ah taliyaha ciidamada Uganda. Waxay intaas ku dareen in qaar ka mid ah xubnihii wafdiga dowladda Federaalka ee Madaxweynaha la socday ay diideen soo-jeedintaas, arrintaas oo la sheegay inay ka careysiisay Museveni iyo wiilkiisaba.

Tan iyo markaas, laba ka mid ah la-taliyeyaasha ugu awoodda badan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mid ka mid ah wasiirrada sare ee sida dhow ula shaqeeya ayaa isku dayay inay dib u hagaajiyaan xiriirka kala dhexeeya Kampala, balse dadaalladaas ayaan weli wax natiijo ah dhalin, sida ay sheegeen ilo wareedyadu.

Ilaa iyo hadda, Madaxtooyada Soomaaliya iyo dowladda Uganda midna si rasmi ah ugama hadlin dadaallada diblomaasiyadeed ee la sheegay iyo khilaafka la sheegay inuu soo kala dhex galay labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM