Kolanyo ay la socdeen ciidanka AMISOM oo la weeraray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramay in maanta weerareen kolanyo ay la socdeen ciidamo ka tirsan howlgalka AMISOM kana soo jeeda waddanka Burundi.

Weerarkan ayaa, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka, wuxuu ka dhacay wadada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Lamber 60 kuna dhow magaala madaxda gobolka Shabeellaha Hoose ee Marka.

Warbixinada qaar ayaa soo jeedinaya in uu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey ciidamadda Burundi inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin guud ahaan waxyeeladda weerarka.

"Sidoo kale, waxaa jira waxyeelo soo gaarey gaadiidka ciidamadda AMISOM," ayuu yiri mid kamid ah dadka degaanka oo sababo ammaan uga gaabsaday in magaciisa loo adeegsado warbaahinta.

Ma jiro wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay howlgalka AMISOM iyo taliska ciidamadda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika. Isku-dayo GO ku doonayey in uu kula xiriiro ma guuleysan.

Al-Shabaab ayaa u muuqata mid dib-boorka uga jafeysa weerarada oo hakad ku jiray bilooyinkii lasoo dhaafay oo dalku ku jiray is-mar-waa siyaasadeed oo salka ku haya doorashooyinka qaranka.

Doorashooyinka ayaa la filayaa in ay bilowdaan bilooyinka soo aadan. Nabad-gelyaddana waa mid kamid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaala coddeynta oo la adag tii hore sababo ku aadan loolanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM