Koonfur Galbeed oo dalbatay in loo gacan-geliyo Jeesow oo hurinaya dagaal beeleedka Sh/Hoose

Image

BAYDHABO, Soomaaliya – Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir, ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay maamulka Koonfur Galbeed u gacan-geliso xildhibaan Daahir Amiin Jeesow si loogu maxkamadeeyo, isagoo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay colaadihii beeleed ee ka dhacay degmada Walanweyn iyo deegaanno kale oo Shabeellaha Hoose ka tirsan.

Wasiirka oo Axaddii la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xildhibaanku uu door hoggaamineed ku lahaa hurinta dagaallada beelaha, isla markaana uu caqabad ku yahay dadaallada nabadeynta deegaanka. Waxa uu shacabka Yaqbari Weyne ugu baaqay inay u istaagaan nabadda, wada noolaanshaha iyo ilaalinta xasilloonida.

Wasiir Xasan ayaa soo dhoweeyay xukunnadii adagaa ee dhawaan kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada, kuwaas oo lagu muteysiiyay eedeysaneyaal lagu helay dambiyo la xiriira colaadaha beeleed ee Walanweyn. Waxa uu ammaan u jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo guutada Daraawiishta Koonfur Galbeed, isagoo sheegay inay “si buuxda u xasiliyeen xaaladda” degmada.

Dhankiisa, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay, isagoo ku tilmaamay “hadallo ka hor imanaya sharciga iyo sumcadda xildhibaan qaran.”

“Anigu kama jawaabayo wasiir goboleed, waana nin dhulkiisii ay Al-Shabaab haystaan,” ayuu yiri xildhibaanku.

Jeewoow ayaa ku adkeystay inuu muddo dheer ka shaqeynayay nabadaynta iyo isu-soo-dhoweynta beelaha dirirtu dhex martay, islamarkaana aan lagu xiriirin karin kicinta colaadaha.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay wajahayay dagaallo beeleed khasaaro badan dhaliyay, inkastoo Maxkamadda Ciidamadu xukumo ku ridday qaar ka mid ah ragga lagu eedeeyay hurinta rabshadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM