Koonfur Galbeed oo diiday amarkii gudoomiyaha FEIT

Image
Is-qabqabsi cusub ayaa soo shaac-baxaya iyada oo dhamaad ay mareyso doorashadda.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleed ee SEIT Koonfur Galbeed ayaa kahor yimid go’aanka doorashooyinka heer Faderaal ee FEIT oo dhigayay in dib loogu laabto Doorashada Kuraasta kala ah HOP#103 & HOP#154 oo muran ka taaganyahay qaabka codayntoodu u dhacday.

SEIT-Koofur Galbeed ayaa soo bandhigay Warqad uu ku saxiixan yahay Guddoomiyihii hore ee Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Federaal ee FEIT Maxamed Xasan Cirro oo soo baxday 17kii December 2021.

Guddigaan waxa uu ku dooday in xiligaas la fasaxay balse maanta aanay suuragal ahayn in dib loogu laabto ama Dood horleh la geliyo sida uu ku dooday Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Koofur Galbeed.

“Kursiga HOP#103 horaa loo fasaxay, HOP#154 cid ka dacwooneysa lama haayo, Guddiga FEIT ha ka shaqeeyo danaha ummada, doorashada carqalada halaga daayo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay SEIT Koofur Galbeed.

HOP#103, waxaa horay ugu fadhiyay gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof Jawaari, waxaana hada ku soo baxay wasiir ka tirsan xukumadda Koofur Galbeed ka dib markii Jawaari loo diiday shahaadada musharaxnimo si uu kursigaasi ugu tartamo.

HOP#154, waxaa horay ugu fadhiyay xildhibaan Sareeda Maxamed Cabdalla, waxaa dacwad laga soo gudbiyay qaabka loo qabtay codayntiis.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada ay ka dhamaatay gobolada Waqooyiga iyo Baraawe, halka deegaan doorashooyinka kale ay si habsami leh uga socota, kuwaasi oo ay ku soo baxeen 165 kursi, halka ay weli dhiman tahay 110 kursi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in bogagii baraha bulshada ee guddiga ay dib u soo ceshadeen, kaasi oo ay hore u sheegen in uu ka baxay gacantooda, oo uu galay dhinac kale oo aan metelin guddiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM