Koonfur Galbeed oo diiday amarkii gudoomiyaha FEIT

Image
Is-qabqabsi cusub ayaa soo shaac-baxaya iyada oo dhamaad ay mareyso doorashadda.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleed ee SEIT Koonfur Galbeed ayaa kahor yimid go’aanka doorashooyinka heer Faderaal ee FEIT oo dhigayay in dib loogu laabto Doorashada Kuraasta kala ah HOP#103 & HOP#154 oo muran ka taaganyahay qaabka codayntoodu u dhacday.

SEIT-Koofur Galbeed ayaa soo bandhigay Warqad uu ku saxiixan yahay Guddoomiyihii hore ee Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban heer Federaal ee FEIT Maxamed Xasan Cirro oo soo baxday 17kii December 2021.

Guddigaan waxa uu ku dooday in xiligaas la fasaxay balse maanta aanay suuragal ahayn in dib loogu laabto ama Dood horleh la geliyo sida uu ku dooday Guddiga hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Koofur Galbeed.

“Kursiga HOP#103 horaa loo fasaxay, HOP#154 cid ka dacwooneysa lama haayo, Guddiga FEIT ha ka shaqeeyo danaha ummada, doorashada carqalada halaga daayo” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay SEIT Koofur Galbeed.

HOP#103, waxaa horay ugu fadhiyay gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Prof Jawaari, waxaana hada ku soo baxay wasiir ka tirsan xukumadda Koofur Galbeed ka dib markii Jawaari loo diiday shahaadada musharaxnimo si uu kursigaasi ugu tartamo.

HOP#154, waxaa horay ugu fadhiyay xildhibaan Sareeda Maxamed Cabdalla, waxaa dacwad laga soo gudbiyay qaabka loo qabtay codayntiis.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada ay ka dhamaatay gobolada Waqooyiga iyo Baraawe, halka deegaan doorashooyinka kale ay si habsami leh uga socota, kuwaasi oo ay ku soo baxeen 165 kursi, halka ay weli dhiman tahay 110 kursi.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in bogagii baraha bulshada ee guddiga ay dib u soo ceshadeen, kaasi oo ay hore u sheegen in uu ka baxay gacantooda, oo uu galay dhinac kale oo aan metelin guddiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM