Koonfur Galbeed oo mudaysay codaynta ka dhacaysa Baraawe

Image
Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ayaa dardar ku socota sida uu sheegay guddiga coddeynta heer federaal.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa maanta shaaciyay Musharaxiinta isu-soo sharaxay 13-kii kursi ee deegaan doorashadoodu tahay magaaladda Baraawe.

Musharaxiinta uu guddiga shaaciyay ayaa tiradoodu tahay 26 Musharax, waxayna doorashadooda kala qabsoomi doonta maalinta berri ah ee Arbacada oo la dooranyo 7 kursi iyo Khamiista oo la dooranayo 6 kursi.

Waxaa xusid mudan in kursi walba oo kamid ah 13-ka kursi ee Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ay u tartamayaan labo musharax oo keli ah, oo qaarkood ay yihiin kuwii hore ugu fadhiyay kuraasta.

Magaalada Baraawe oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa maalmihii dambe ka socday u diyaar-garowga doorashada oo maalinta berri ah si rasmi ah uga bilaaban doonta.

Doorashada Golaha Shacabka ee dalka ayaa dardar ku socota sida uu sheegay guddiga doorashooyinka heer federaal, waxaana qorshuhu yahay in doorashadaan la soo gaba-gabeeyo 25-ka bishaan, oo hore u go’aamiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

Madaxweynaha mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaaday 8 February 2021 Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ciidan u adeegsanaya boobka doorashada 16-ka kursi ee Garbahaarey, 25-ka Beledweyne iyo 26-ka Baraawe sida uu fahamsanyahay Garowe Online.

HOOS KA AHRISO QORAALKA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM