Koonfur Galbeed oo Sweden kala hadashay xaalka siyaasadda Soomaaliya

Image
Kulankan ayaa waxa uu ka qabsoomay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Narobia ee Caasimada Dalka Kenya kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern oo ay ka wada hadleen Arimaha Siyaasada, Amniga, Mashaariicda iyo Arimaha Biniadanimada

Danjiraha Dowladda Swden ayaa Madaxweyne Laftagareen iyo Golaha Wasiirada uga Mahadceliyey sida dhow ee Wada-shaqaynta ula leeyihiin waxaana uu xusay in kan Safaarad ahaan ay Xoojin doonan Wadashaqaynta iyo Hirgelinta Mashaariicda Hormarineed ee ay ka fulinayaan Deeganada Koonfur Galbeed

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirada Wasaaraddaha Gargaarka, Qorshaynta, Agaasimaha Madaxtooyada iyo la Taliyaha Madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM