Koonfur Galbeed oo toogatay nin "dilay" haweenay deyn ku lahayd

Image
Maxamed Xasan Maxamed ayaa la sheegay in uu meydka Aamino Malaaq Muqtaar ku riday suuli.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah toogasho ah ku fuliyey Maxamed Xasan Maxamed oo lagu helay dilka Allaha u naxariistee Aamino Malaaq Muqtaar oo maalmo kahor si arxan darro ah loogu dilay Baydhabo.

Eedeysanaha oo saaka la horgeeyey Maxkamadda gobolka Baay ayaa waxaa lagu riday xukun dil ah oo ah qisaasta marxuumad Aamino Malaaq Muqtaar.

Dadweyne kala duwan, saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Baydhabo ayaa isugu tegay fagaaraha lagu dilay Marxuum Maxamed Goomey.

Ninka dilka geystay ayaa Marxuumad Aamino waxay ku laheyd deyn, wuxuuna ugu yeeray gurigiisa oo uu u balan qaaday inuu ku wareejinayo, maadaama uusan bixi karin deyntii ay ku laheyd.

Hase yeeshee markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, kadibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana mudo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marxuum Aamina, sida ay noo xaqiijiyeen ehelladeeda.

Baaritaan dheer kadib waxaa la sheegay in ninkii watay Bajaajta qaaday Aamino ee geysay guriga lagu dilay uu sheegay halkii ugu war dambeysay, waxaana lagu guuleystay in laga gun-gaaro kiiskaan oo la helo meydka, lana soo qabto ninkii dilka geystay.

Ma cadda in uu helay qareen ka difaaca eedo loo jeediyay iyada oo saraakiil maamulka aysan deg deg ah uga jawaabin codsi aan u dirsan oo ku saabsan xaaladaan.

Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay reer Baydhabo, waxaana baaritaan deg deg ah, kadib Koonfur Galbeed ay xukun dil toogasho kasoo saartay falkaas, kaas oo maanta la fuliyey.

Falcelin xooggan oo ay dadweynuhu ka sameeyeen kiiskan waxay dhaleeceeyeen xukunsanaha dilka lagu fuliyey. Wasiirka haweenka xukuumadda federaalka, Xaniifa Xaabsade, waxay ciwaankeeda Facebook-ga kusoo qabtey hadal kooban oo ahaa "Ma istaahilin in uu bulshadda kusii dhex-noolaado".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM