Koonfur Galbeed oo toogatay Shabaab "maleegayay" weeraro

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Mas'uuliyiinta ayaa waxay shaaca ka qaadeen in ciidamadda ammaanka ay nolosha ku hayaan Al-Shabaab maleegayay weeraro.

Saraakiisha ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in xoogaga dowladda ay toogasho ku dileen mid kamid ah raggaasi markii uu isku dayey in uu baxsado.

Howlgalkan ayaa Jimcadii waxaa laga fuliyey tuulada Midow oo hoostagta degaanka Awdiinle kana tirsan gobolka Bay ee koonfurta Soomaaliya.

Illo wareedyo ayaa intaasi ku daraya in shaqsiyaadka oo tiradooda ay gaareysay laba ay abaabulayeen qaraxyo nooca wadada lagu aaso ah.

Dhinaca kooxda gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida weli wax war ah kama aysan soo saarin sheegashada mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed.

"Gacanteena ayuu ku jiraan. Sharciga ayuuna wajihi doonaa," ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada daraawiishta dowlad goboleedkaasi.

Qaraxyadda Miinooyinka ayaa kamid ah xeeladaha dagaal oo ay Al-Shabaab ku beegsato kolanyada ciidamada dowladda iyo kuwa ajnabiga ah.

Al-Shabaab ayaa joogitaan balaaran ku leh gobolada maamulkan halkaasi oo ay weeraro jidgal ah ku ekeeyaan milatariga Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee ka tirsan AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM