Koonfur Galbeed oo xoojisay la macaamilka Beesha Caalamka

Image
Madaxweyne Laftagareen ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan waxa uu la yeeshay danjireyaal kala duwan.

NAIROBI, Kenya — Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Magaalada Nairobi uu ka Wado Kulamo uu la qaadanayo Saaxibada Soomaaliya ayaa qaabilay safiirada Faransiiska iyo Sweden, Arnaud Suguet Iyo Joachim Waern.

Joachim Waern ayuu kala shiray mashaariicda Dib U-Dhiska ee Dowlada Sweden ay ka tageerto Dowladda Koonfur Galbeed sidii loo Xoojin lahaa Gaar ahaan Mashaaricda Adeegyada Bulshada iyo Kaabiyaasha Dhaqaalaha

Kulanka Madaxweynaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Amniga Hassan Abduqaadir Mohamed iyo La-Taliyaha Madaxweynaha Arimaha Siyaasada Hussein Hassan Abdi.

Danjire Arnaud Suguet ayuu kala xaajoodey Taageerida Mashaariicda Hormarineed ee socda, Amaanka Guud Deeganada Koonfur Galbeed iyo Wax ka Qabashada is bedelka Cimilada oo Saamayn ay ku Yeelatay.

Dhanka kale, Laftagareen ayaa Qadka Teleefonka kula hadlay Safiirka Dowladda Mareekanka ufadhiya Soomaaliya  Mr. Richard H. Riley

“Madaxweyne Laftagareen iyo Safiirka Mareekanka ayaa iska Xog-Waraysta Xaalada Guud ee Dalka Dhinacyada Siyaasada iyo Amniga,” ayay tiri Madaxtooyadda Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM