Koonfur Galbeed oo yeelaneysa Xeerka ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimo

Image
Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka dooday Xeerka ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimo ee Koonfur Galbeed.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada KGS, Maxamed Nuur Maxamed Macalin oo ay wehliso Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Marwo, Shamso Maxamed Yaroow ayaa shir guddoomiyay Kulankaasi oo ay soo xaadirtay 55 Xildhibaan Ajendihiisuna ahaa:

Aqrinta 2aad Xeerka ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimo ee DKGS

Qeybinta iyo Aqrinta Miisaaniyadda Dowladda KGS ee Sanadka 2025

Qeybinta iyo Aqrinta Sharciga Xuquuqda Naafada

Dhaarinta Xubno Xildhibaano Cusub

Ugu horrayn Guddoomiye Mohamed Nur Mohamed Mo'alim ayaa Dhaariyay Xubno Xildhibaano Cusub oo buuxiyay boosas horey u banaanaa.

Intaas kadib, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha ka hor aqriyay Miisaaniyadda Dowladda Sanadka 2025 isagoo aad u faahfaahiyay Odoroska dakhliga gudaha la filayo inuu soo xaroodo.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Haweenka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Marwo, Nasro Aweis Hussein ayaa Golaha ka hor aqrisay Sharciga Xuquuqda Naafada oo ay Wasaaradda soo diyaarisay iyadoo ku dheeraatay Muhiimadda sharcigaan u leeyahay Dadka Naafada ah ee ku nool Deegaanada KGS.

Guddoomiye Mohamed Nur Mohamed Mo'alim ayaa u sheegay Guddiyada shaqada ku leh Xeerarkaan iyo guud ahaan Xildhibaanada ay waajibkooda ka gutaan Hindise-sharciyeedyada hor yaala Golaha.

Intaas kadib, Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka dooday Xeerka ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimo ee DKGS, iyagoo Su'aalo dhinacyo badan taabanaaya weydiiyay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka.

Wasiir Abdullahi Isack Macalin (Ganey) ayaa ka jawaabay Weydiimaha iyo tallooyinka Xildhibaanada isagoo sheegay in lagu soo dari doono tallooyinkaasi Xeerka.

Intaas kadib, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha ayaa cod gacan taag ah geliyey Xeerka ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimo ee DKGS, waxaa Oggol u codeeyay 55 xildhibaan wax diiday ama ka aamusay ma jirin.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka ayaa ugu mahadceliyay Xildhibaanada Ansixinta Xeerka.

Ugu dambeyn Kusimha Guddoomiyaha ayaa soo xiray Kalfadhiga 8aad Kulankiisa 3aad ee Golaha Wakiilada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM