Kooxda Al-Shabaab oo dishey qof u dhashey dalka Kenya

Image

KENYA [ Garowe Online+ Wakaaladaha]- Kooxda Al-shabaab oo dagaalka kula jirta ciidamada AMISOM ayaa maalinimada Jimcaha 22 August,2014 surka ka jartey qof dareewal ah oo u dhashey dalka Kenya goobta la yiraahdo Kiunga oo ku dhow magaalada Lamu.

Maydka George Mwita ayaa laga heley keymaha la yiraahdo Boni Forest oo ay ku dhuumaaleystaan kooxda Al-Shabaab kadib markii ciidamada Kenya KDF iyo Booliska isku dayeen iney badbaadiyeen wadahaan.

Gudoomiyaha magaalada Lamu ayaa saxaafada u xaqiijiyey in maydka George Mwita la helay isagoo gacmaha laga xirey islamarkaasna surkiisa labo loo kala gooyey iyadoo howlgalkaan lagu badbaadinayo ninkaan uu dib dhac ku yimid kadib markii roobab xoogan ka da'een dhulkaan kaymaha ah.

Afhayeen Booliska dalka Kenya u hadley ayaa sheegey in Mwita sadex nin oo saaxibadiis ah ee la socdey ahaayeen kuligood Muslimiin kooxhaana sii-daayeen.

Booliska oo hadalkooda sii wata ayaa saxaafada dhinaca kale u sheegey in labaatan ka tirsan kooxda Al-shabaab kuwaasoo aad u hubeysnaa u baxsadeen dhanka Somalia markii ay fuliyeen weerarkaan.

Afartaan qof ayaa markii weerarkaan gaadmada ah lagu qaadyey waxay wadeen gaari sidey maandooriyaha Qaadka kuwaasoo ku dhowaa magaalo aan ka fogeyn xadka Somalia.

GAROWEONLINE+WAKAALADAHA

Related Articles

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM