Kooxda Farmaajo oo "beegsiga siyaasiyiin ku fulinaysa gacmo kale"

Image
Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay maleegayso "dhagar" ay ku xagal-daacineyso doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo ayaa maalmihii lasoo dhaafay bilaabay qorsheyaal u muuqda in uusan diyaar u ahayn doorasho, sida uu shaaca ka dhigay Xildhibaan dooran.

Mahad Maxamed Salaad oo dib loogu doortey xubinimadiisa Aqalka Hoose ayaa tibaaxay in qorsheyaasha Farmaajo ay ku saleysan yihiin "adeegsiga awood ciidan" iyo "dabar-goynta taliyeyaasha ka aragtida duwan".

Sida laga soo xigtey siyaasigan xubinta ka ah xisbi siyaasadeedka Midowga Nabada iyo Horumarka ee Xasan Sheekh Maxamuud uu hogaamiyo, dadka waa in ay ogaadaan "doorasho sooma muuqato ee naftiina ha dayacinina".

"Maalmihii la soo dhaafay Farmaajo wuxuu ka dhex waday ciidamada isbedelo lagu samaynayo taliyeyaasha hoose ciidamada qalabka sida. Ujeedada isbedelka ayaa ahayd in meesha laga saaro dhamaan taliyeyaashii ka aragtida duwanaa Farmaajo xiligii Badbaado Qaran," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Farmaajo habeen kasta wuxuu arkaa saraakiil ciidan. Walina lama soo sheegin Xildhibaano uu arkay iyo wax ififaalo doorasho ah oo Villa Soomaaliya ka socda, xili Muqdisho ay ku sugan yihiin in ka badan 200 Xildhibaan oo dhawaan la soo doortay".

Adeegsiga "gacmo kale"

Sharci-dejiyaha oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa carabka ku dhuftey in uu jiro "qorshe lagu beegsanayo qaar kamid ah siyaasiyiinta iyadda oo la adeegsanayo gacmo kale".

"Waxa sidoo kale la soo werinayaa in ay socdaan qorsheyaal lagu beegsanayo siyaasiinta qaar iyadoo la adeegsanayo gacmo kale sidii maalmo kahor ka dhacday Afisyoone iyo Beledweyne. Doorasho sooma muuqato ee naftiina ha dayacinina," ayuu kusoo xiray.

Ugu yaraan 50 qof ayaa ku dhimatay qaraxyo uu ismiidaamin ku jiro oo asbuucii hore ka dhacay xarunta gobolka Hiiraan. Dadka ku naf-waayey waxaa kamid ah Aamina Maxamed Cabdi oo ahayd Xildhibaanad.

Aamina ayaa cadaadis siyaasadeed kala kulmaysay kooxda Farmaajo. Mucaaradka wuxuu tuhunsan yahay in khaarijintan ay salka ku haysay "naceybka" Villa Soomaaliya u qabto codka dheer ee marxuumada.

Doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa muddo dhaaftey iyadda oo qorshuhu ahaa in ay qabsoonto Febraayo, 2021. Dhowr jeer oo jadwal lasoo saarey waxay u fashilmeen khilaaf ubucdiisa ay shacabka ku jahwareereen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM