Kooxda Farmaajo oo lagu eedeeyay "siyaasad indho-sarcaad ah"

Image
Doorashada Soomaaliya oo mudo ka badan sanad soo jiitamaysay ayaa lagu wadaa in la soo dhamaystiro 15-ka May.

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdirishiid Xaashi agaasimihii hore ee Hertige oo ka hadlay Garowe Online ayaa sharaxay Doorashooyinkii hore ee dalka ka dhacay iyo tan uu xilka haayo madaxweynaha xilka ka siidagaya ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xaashi ayaa sheegay in maamulkii Farmaajo laga sugayay shaqooyin waawayn oo ay ka mid aheyd dhamaystirka dastuurka dalka, gaarsiinta dalka ee doorasho qof iyo cod ah, in Al Shabaab laga adkaato ama lala heshiiyo maadaama ay dhamaynayaan shacabkii Soomaaliyeed.

"Farmaajo waxaa loo diibay dal iyo dad u baahan dib u heshiisiin, inta isla joogta la isku haayo inta maqana la raadiyo, in Nimanka Al Shabaab ee dadka dhamaynaya laga adkaato ama heshiis laga keeno waxyaabahaas ayaa laga sugayay," ayuu hoosta ka xariiqay Agaasimihii hore ee machadka daraasaadka ee Hertige.

Cabdirishiid Xaashi, ayaa sheegay in Farmaajo iyo xukumadiisii ay dadka galiyeen indha sarcaad "runtintii mana jirto wax ka daran dadkaaga loo daaro fillim Khiyaali ah, waa niman aan dhihi karo qalin shubato".

Xaashi Hadalkiisa raaciyay maamulkii Farmaajo "wax kasto oo xumaana uu dadka uga dhigaayay wax wanaagsan taas oo qayb ka ah indha sarcaadkii uu ku sameeyay shacabka Soomaaliyeed".

Falanqeeyahaan ayaa kula taliyay dadka Soomaaliyeed in ay soo bandhigaan arragtidooda oo ay la xisaabtamaan madaxda xilalka u haysta fartana ku fiiqaan kuwa ku soo fashilmay hoggaaminta dalkaan si looga gudbo marxalada jaha wareerka ah ee dalku jiro.

Cabdirishiid Xaashi agaasimihii hore ee Hertige, ayaa sheegay in uu arragti ahaan aaminsanyahay in aan hoggaanka dalka loo dhiibin kooxda Farmaajo oo dalka meel khatar ah gaarsiiyay isla markaana loo codeeyo qof dalka ka gudbisa marxaladaan xun.

Doorashada Soomaaliya oo mudo ka badan sanad soo jiitamaysay ayaa lagu wadaa in la soo dhamaystiro 15 May oo loo qorsheeyay in la qabto doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo si wayn looga wada sugaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM