Ku simaha Madaxweynaha oo Muqdisho kula kulmay Xildhibaanno katirsan KG

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ahna ku simaha Madaxweynaha, Maxamed Mursal ayaa xalay oo Arbaco ahayd kula kulmay Muqdisho Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Sida uu xogta ku helayo warsidaha Garowe Online, Mursal iyo Mudanayaash ayaaa kawada hadlay arrimo ku xeeran doorashooyinka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo sida ugu wanaagsan oo ay u qabsoomi karto.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Sharci-dejiyaasha oo tiradoodu ka badan tahay 10 ay shalay yimaadeen caasimadda dalka, iyaga oo ah kuwa mucaaradka ku ah Madaxwaynaha KG ee uu waqtigu ka dhamaaday ee Shariif Xasan.

Kulanka Xilldhibaanada iyo Gudoomiyaha Aqalka Hoose ayaa imaanaya xili maalmo kahor Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka ku metala Koonfur Galbeed ay ku eedeeyeen Villa Soomaaliya inay faragelin toos ah ku hayso doorashada maamulkan.

Doorashada oo loo madal-san yahay 17-da bisha dambe ee November ayaa murashaxiin u taagan waxaa kamid ah Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo taliyihii hore ee NISA Xuseen Maxamed, oo la sheegay inay taageerayso dowladda Federaalka.

Shariif Xasan iyo Mukhtaar Roobow, ku xigeenka hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab ayaa kamid ah xubnaha doorashada KG ka qeybgalaysa, taasoo ka xamaasad badan kuwii hore, ayna ku hareeraysan tahay siyaasado iska soo horjeeda iyo faragelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM