Kulamadii Gollaha Shacabka oo Dib u Bilaabmay Kadib Maalmo Ismari-waa ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kadib hakad dhowr toddobaad ah socday, ayaa ugu dambeyn maanta oo Isniin ah dib loo furay kulamadii caadiga ahaa ee Gollaha Shacabk ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taasoo calaamad u ah in xaaladdii cakirnayd ee mudada dheer socotay la xaliyay.

Xildhibaanada ayaa maanta dib u bilaabay shaqooyinkooda kulamada xili uu Aadan Madoobe ku maqan yahay safar dibadda ah, waxaana kulanka lagu tilmaamay guul laga gaaray ismari-waagii siyaasadeed ee hareeyay baarlamaanka.

Gudoomiye Ku-xigeen Abshirow ayaa shir gudoomiyay kulankii Maanta, kaasoo hadallo kulkul isku dhaafsadeen Xildhibaanada mucaaradka ah iyo kuwa mucaafidka ah ee taageera Xukuumadda Xamse iyo Madaxtooyadda.

Xildhibaan Muxaafid ah,“Gudoomiye Abshirow Hadii Arbacada Fowdo ka dhacdo Baarlamaanka adigaa Masuuliyadeeda qaadaayo”.

Xildhibaan Mucaarad ah,“Gudoomiye Abshirow Raali ka noqo gafka ay kuu geysteen Xildhibaanada Villada ku xiran”.

Balse dib u furista baarlamaanka ayaa timid kadib muran siyaasadeed oo ka dhashay isku day lagu doonayay in looga qaado xasaanadda xildhibaan mucaarad ah, Abiib, taasoo keentay mooshin xil-ka-qaadis ah oo sababay in baarlamaanku hakad galo.

Muran xooggan ayaa ka dhashay arrintaas, iyadoo xildhibaanada qaar ay ku tilmaameen weerar siyaasadeed oo ka dhan ah xubnaha mucaaradka, halka kuwa kalena ay difaaceen in la xisaabtamo dhammaan xubnaha baarlamaanka.

In kasta oo khilaafkaasi weli uu saamayn leeyahay, haddana dib u bilaabashada kulamada baarlamaanka ayaa laga filayaa in ay kor u qaaddo kalsoonida dadweynaha iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 220 duqeyn cirka ah tan iyo Febraayo ay daciifisay Al-Shabaab

Ciidamada AUSSOM iyo U.S. Africa Command ayaa lagu amaanay duqeymaha istiraatiijiga ah iyo taageerada dagaallada dhulka.

  • Soomaliya

    06-11-2025

  • 06:27AM

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM