Khasaaro ka dhashay qaraxyo mar kale ka dhacay isgoyska Soobe

Image
Image
Fahfaahino horudhac ah ayaa sheegaya in mid kamid ah qaraxa lala eegtay darbiga Wasaaradda Waxbarashada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Laba qarax oo jugtooda aad loo maqlay ayaa Sabtida maanta ah ka dhacay bartamaha Muqdisho gaar ahaan isgoyska Soobe oo kamid ah meelaha ugu mashquulka badan caasimadda.

Illo wareedyo loo qaateen ah ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in mid kamid ah gaadiidka lagu soo rakibay qaraxyadda uu beegsadey darbiga Wasaaradda Waxbarashadda oo ku dhow goobtaas.

Laba kamid ah isbitaaladda Muqdisho ayaa u xaqiijiyey GO in lasoo gaarsiiyey isku-darka shan qof oo meyd ah iyo dhaawaca in ka badan 30 ruux oo shan kamid ah ay xaaladoodu halis tahay.

"Khasaaraha intaas wuu ka badan kraa maadaama isbitaaladda loo daabulayo dhaawacyadda ay badan yihiin," ayuu yiri sarkaal dhanka caafimaadka ah oo uga gaabsadey magaciisa sababo dhanka amniga ah.

Wariye Maxamed Ciise Koonaa ayaa la xaqiijiyey in uu kamid noqdey dadka ku nafwaayey weerarka. Marxuumka ayaa ka howlgayey telefishinka madaxa-banaan ee M24.

Taliyihii Saldhigga degmada Hodan, Xuseen Cadceed Cismaan, ayaa sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in uu kamid yahay dadka ku geeriyoodey qaraxyadan jugtooda si weyn loo maqlay.

Isgoyskan waxaa 2017-dii ka dhacay weerarkii ugu dhimashada badnaa taariikhda Soomaaliya. In ka badan 600 ruux oo u badan shacab ayaa lasoo warinayaa in ay ku naf-waayeen isla goobtan.

Afhayeenka booliska Soomaaliya, Sadiiq Doodishe oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa xaqiijiyey in uu jiro khasaaro badan oo soo gaarey dad u badan shacab.

Qaraxyadan ayaa kusoo beegmay xilli maanta uu magaalada Muqdisho kusoo dhamaadey shir muddo shan maalmood ah u socdey Wasiirada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee federaalka iyo maamulada.

Kulankaas ayaa waxaa kasoo baxay war-murtiyeed nuxurkiisu ahaa in ay xaaraan tahay in dhaqaale la siiyo Al-Shabaab iyo magacooda saxda ah uu yahay Khawaariij. Madaxda ugu sareysa dalka ayaa soo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM