Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO — Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdiasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo xilka iska casilay ku dhowaad bil ka hor, ayaa maanta qado sharaf ugu sameeyay magaalada Muqdisho xildhibaanno, siyaasiyiin iyo saaxiibadiisii garab istaagay xilligii uu ku jiray loollankii adkaa ee siyaasadeed.

Kulankan oo ahaa mid ay weheliso is-xog-waraysi, ayaa Laftagareen wuxuu uga mahadceliyay dhammaan intii hiilka iyo taageerada u muujisay intii uu socday loollankii isaga iyo Villa Somalia u dhaxeeyay, kaas oo ugu dambeyntii horseeday inuu banneeyo xafiiska.

Wuxuu qoraalkiisa Facebook si gaar ah u ammaanay wasiirradii iyo mas'uuliyiintii kale ee u haysay xilalkooda si ay u muujiyaan sida ay u garab taagan yihiin hoggaankiisa iyo mabaadi'da ay wadaageen. Maxamed Mursal, gudoomiyihii hore ee Gollaha Shacabka oo Baydhabo diyaarad iskala soo raaceen baa kamid ahaa dadkii la kulmay.

Intii ay qadada socotay, Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin, balse ay si mideysan uga wada qayb qaadan doonaan ololaha doorashada soo socota.

Wuxuu hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in la ilaaliyo midnimada saaxiibadii isku fikirka ahaa si loo sii amba-qaado qorshayaasha siyaasadeed ee mustaqbalka, isagoo muujiyay inuu weli saameyn ku yeelan doono loollanka siyaasadda dalka ka jira.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid Laftagareen uu ku midaynayo xoogaggiisa siyaasadeed, isagoo isku diyaarinaya door dambe oo uu ka ciyaaro saaxadda siyaasadda Soomaaliya, xilli uu dalku ku jiro marxalad kala guur ah iyo khilaaf ka taagan doorashooyinka heer federal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM