Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Image

Baydhabo – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa Maanta shir degdeg ah ku qabtay magaalada Baydhabo, isagoo la yimid tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayo la-dagaallanka argagixisada iyo isku-xirnaanta ciidamada ammaanka.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la kordhiyo feejignaanta, isla markaana bulshada looga qaybgeliyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, isaga oo ammaanay ciidamada ka howlgala gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta oo gobolka ka jirta.

Laftagareen ayaa xusay in tallaabooyinkan cusub ay qeyb ka yihiin qorshaha maamulka ee lagu ilaalinayo nabadgelyada iyo ka hortagga falalka argagixisada ee ka dhaca Koonfur Galbeed Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM