Lafta Gareen oo xilka kala wareegay Gudoomiyaha Baarlamanka KG

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, C/qaadir Shariif Sheekhunaa [Maye], ayaa maanta xilka Madaxweynaha oo isaga si KMG ah u hayay si rasmi ah ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub, Cabdicasiis Lafta Gareen.

Munaasabad kooban oo lagu qabtey Madaxtooyada ee ku taalla magaalada Baydhabo, ayuu Lafta Gareen kula wareegay xafiiska, waxaana tallaabadan ay kusoo beegmaysaa xilli wali xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay Koonfur Galbeed.

Lafta Gareen ayaa loo doortay Madaxwaynaha Koonfur Galbeed 19-kii bishaan kadib dooraho muran dhalisay oo ka dhacday Baydhabo, isaga oo guusha ku helay wareegii 1aad iyo 101 cod.

Maye ayaa ahaa Ku simaha Madaxwaynaha tan 7-dii November 2018, markaasi oo uu xilka iska casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaasi oo si lamid ah isaga haray gabi ahaanba tartanka madaxtinimo.

Lafta Gareen oo horey u ahaa wasiirka Biyaha iyo Tamarta Xukuumadda Khayre ayaa doorashadda ku sahal ah ugu soo baxay, kadib markii ay dowladda Federaalka xirtay Mukhtaar Roobow, oo kamid ahaa Musharaxa loo saadaalinayay xilka.

Madaxwaynaha cusub ayaa wajahaya caqabado dhowr ah oo ay ugu horeeyaan amniga, siyaasad loo dhan yahay iyo inuu heshiisiin usameeyo Beelaha ku kala irdhoobay Olalaha doorashada.

Qaban-qaabada xaflada caleemo-saarka Laftagareen ayaa socota, iyadda oo la filayo inay qabsoonto kahor sanadka cusub ee 2019 ama horaantiisa, waxaana la rajaynayaa inay kasoo muuqdaan madaxda Federaalka iyo kuwa maamulada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM