Laftagareen oo ku hungoobay kursi uu ku qarash-gareeyay $1 milyan

Image
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa musuqmaasuqay kuraasta degaanadiisa ee labada aqal ee Soomaaliya.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Cabdrisaaq Cabdulaahi Ciid ayaa ku guuleystay kursiga HOP063 ee doorashadiisa ay Arbacada maanta ah ka dhacdey magaaladda Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciid oo lala xiriirinayo xisbiga Himilo Qaran ayaa ka adkaadey Maxamed Daahir oo la sheegay in ay wada-dasheen Cabdicasiis Laftagareen oo qarash-gareeyay lacag cadadkeeda aan si sax ah loo sheegi karin.

Xisbiga Himilo Qaran waxaa hogaamiya Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, isla markaana haatan kamid ah musharaxiinta xilka madaxtinimadda kalkan.

Kursigan waxaa ku fadhiyey Cabdullaahi Goodax Barre oo wareegga koowaad ku haray 10 cod. Sagaal musharax ayaa kalkii hore ku baratantey kursigan laba kamid ah xoogaga siyaasadeed ee dalka.

Sida ay wararka qaar tibaaxayaan, Daahir waxaa gadaal ka riixeysay Madaxtooyada Soomaaliya iyada oo soo dhexmareysay Laftagareen oo lagu eedeeyay in uu afduubtay xulista kuraasta degaanadiisa.

Lacag afur u noqon lahayd qoysas badan

Xuseen Sheekh Maxamuud, oo kamid ahaa Aqalka Sare ee baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed in uu kursigan dartiis u qarash-gareeyay hal milyan oo doolar.

Maxamuud oo aan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa ayaa daaha ka rogay in "lacagtan ay afurin lahayd qoysas badan maadaama ay bisha Ramadan fooda nagu soo hayso".

"Waa arrin aad iyo aad looga xumaado in lacag ku dhow hal milyan oo doolar lagu bixiyo kursi deegaan kale yaallo iyadoo deegaannada Koonfur Galbeed ay dadka iyo duunyada u dhimanayaan biyo iyo baad la’aan abaarta darteed," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Qiyaas meeqa qoys oo reer Koonfur Galbeed ah ayay afur u noqon lahayd lacagtaas haddii dadka masaakiinta ah la siin lahaa xilli bisha Ramadaan ay foodda nagu soo hayso?".

Daahir ayaa, sida ay xoguhu sheegayaan, waxay Villa Soomaaliya dooneysay in uu isku soo sharaxo xilka afhayeenka Golaha Shacabka si ay isbedel ugu sameeyaan nidaamka awood-qeysbiga guud ahaan waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 04:50AM

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM