Laftagareen oo lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa Axada maanta ah waxaa lagu soo dhaweeyay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Laftagareen ayaa kasoo kicitamay dalka Turkiga halkaas oo howlo shaqo uu u joogay muddooyinkii ugu dambeeyay, sidda ay ku dhawaaqdey Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

"Waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan Goliyaasha Dowladda iyo qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Muqdisho," ayay raacisay.

Madaxda Puntland, Jubaland, Galmudug iyo HirShabelle ayaa horey u joogay Muqdisho. Socdaalka Laftagareen wuxuu imaanayaa xilli lagu waddo in uu shir ku qabsoomo caasimadda.

Shirkaas oo qorshuhu yahay in uu bilowdo Isniinta berri ah ayaa ka dhacaya Teendhada Afasiyooni, waxaana looga doodayaa xalka is-mari-waaga doorashooyinka heer federaal iyo qaran.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ayaa isku diyaarinaya in uu xaadiro kulankan, wallow uu wajahayo eedeymo ku saabsan in uu diidan yahay xal waara oo loo helo muranka.

Inkasta oo horey u fashilmeen shirar looga hadlayey xalka doorashooyinka, haddana fursadan ayaa loo arkaa mid horseedeysa in dalka uu si nabdoon uga gudbo mar-xaladan kala guurka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM