Lix qodob oo laga soo saaray khilaafka doorashada Gedo

Image
Guddiyada doorashada ayey ugu baaqeen in ay qaataan masuuliyada doorashada Garbahaarey.

MUQDISHO, Soomaaliya – Odayaasha dhaqanka gobolka Gedo oo soo saaray war-saxaafadeed ka kooban lix qodob, ayaa Maxamed Xuseen Rooble, wasiirka 1aad ee xukumadda xilgaarsiinta ku eedeeyay inuu ku ku “fiirsaday dulmi” ay sheegeen inuu ku hayo maamulka Jubaland ee uu hoggaamiye Axmed Madoobe.

War-saxaafadeedkooda ayay ugu hadleen walaacooda ka dhashay daahitaanka iyo hubanti la’aanta doorashada 16-ka kursi ee taalla magaalada Garbahaarey oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

“Shacabka gobolka Gedo waxay si durugsan oo taxadar leh isha ugu hayaan tallaabooyinka uu qaadayo R/Wasaare Rooble, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorashada Garbahaarey,” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah war-murtiyeedkaan.

Sidoo kale kulamo ay yeesheen odayaasha dhaqanka Gedo waxay isku raaceen in maamulka Axmed Madoobe uusan dooneyn in doorasho ka dhacdo Garbahaarey, sida lagu sheegay bayaankaan.

Reer Gedo waxay sidoo kale bayaankaan ku cadeeyeen inay aqbaleen heshiisyadii laga gaaray doorashada, iyagoo aan aqoonsaneyn maamulka Axmed Madoobe, sida ay hadalkooda u dhigeen.

Guddiyada doorashada ayey ugu baaqeen in ay qaataan masuuliyada doorashada Garbahaarey, iyagoo ku qabanaya si waafaqsan heshiisyada doorashada.

“Dhaqanka gobolka Gedo wuxuu ugu baaqayaa Ra’iisul Wasaare Rooble oo hadda ku eegtay tacadiyada uu ku haayo Axmed Madoobe inuu qaato kaalintiisa hoggaamineed ee kaga aadan doorashada, anaguna waxaan diyaar u nahay in Rooble aan ku garab siino dadaaladaas,” ayaa lagu yiri bayaankaan.

Sidoo kale waxay sheegeen in doorashada gobolka Gedo ay Rooble ku tahay tijaabo taariikhi ah oo si gaar ah u taabaneysa masuuliyadiisa iyo cadaaladiisa.

“Odayaasha dhaqanka Gedo waxay ka codsanayaan cid kasta oo daneysa arrinta gobolka, siyaasiyiinta iyo maamulka inay isugu yimadaan shir deg deg ah, si looga tashado aayahooda,” ayaa lagu soo gabagabeeyey bayaankaan ka soo baxay waxgaradka gobolka Gedo.

Gedo oo lagu qabanayo doorashada 16 kursi oo ay leedahay beesha Mariixaan ayaa mudo soo taagnaa taas oo la fahadsanyahay in ay qayb wayn ka qaadatay dib dhaca doorashada Soomaaliya loo qorshaynayay in la qabto sanad ka hor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM