Maalmaha xilheynta Xamse Cabdi Barre oo bilowday in ay tirsamaan

Image
Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa wajahaya dharbaaxo siyaasadeed uga imaanaysa degaankiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo wasiir oo kasoo jeeda Jubaland ayaa saacad gudaheeda isaga tagtey xilkii ay ka hayeen xukuumadda Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, kaasoo qudhiisa kasoo jeeda maamulkaas.

Cabdirashiid Qalinle ayaa baneeyay jagada wasiiru dowlaha qorsheynta, halka Axmed Qadare uu faarujiyay booskii wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda dowladda federaalka ah.

Is-casilaadan ayaa la sheegay in ay bilow u tahay shaqo ka tagid kale oo lagu waddo in ay sameyn doonan qaar kamid ah wasiirada heer federaal kuwaasoo degaan doorashadoodu tahay Jubaland.

Falanqeeyeyaasha siyaasada ayaa rumeysan in is-casilaadanan ay dharbaaxo ku tahay Ra'iisul Wasaare Xamse waxayna muujineysaa sida ay siyaasad ahaan u kala dhaqaaqeen Muqdisho iyo Kismaayo.

"Waxaa muuqata in Axmed Madoobe uu bilaabay in gudaha xukuumadiisa kula dagaalamo Xamse. Waa ifafaalo aan ka farxin doonin Villa Soomaaliya iyo bilowga dhamaadka Xamse," ayuu yiri mid kamid ah falanqeeyeyaasha.

Si uu usii xoojiyo dagaalkiisa siyaasadeed, Axmed Madoobe ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray Xildhibaanada federaalka ee matala Jubaland waxaana kulankaas uu Kismaayo ka dhici doonaa 8-da illaa 11-ka November 2024.

"Lama garanayo haddii Villa Soomaaliya ay isbaaro u dhigan doonto safarka mudaneyaasha sida horey loogu sameeyay Xildhibaanada Koonfur Galbeed," ayuu yiri qof ka faallooada siyaasada Soomaaliya.

Kulanka wada-tashiga ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in xildhibaano Jubaland ka soo jeeda oo ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ay maanta isku qabsadeen kulan ay ku yeesheen Muqdisho.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu salka ku hayo mowqifka ay xildhibaanadaasi ka qaadanayaan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya maamulka Jubaland iyo Dowladda Federaalka.

Sida laga soo xigtay ilo wareedyo, Wasiirka Amniga Gudaha dowladda federaalka Fartaag iyo xubno kale oo ka tirsan xildhibaanada ayaa isku maan-dhaafay fadhiga, taas oo sababtay in kulanka wax natiijo ah laga gaari waayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM