Maamuladda oo beesha caalamka ka raadinaya taageero ka dhan DF

Image

NAIROBI, Kenya - Hogaamiyaasha maamul goboleedyadda Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa kuwada sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasi oo ay kulan kula leeyihiin xubno ka socda dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Sida Garowe Online kasoo xigtey illo si dhow ula socda safarka Cabdiwali Gaas, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan, Beesha Caalamka ayaa siyaabo kala duwan ula kulmantey masuuliyiinta, iyaga oo ka xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ka hor inta aysan isugu imaanin shir guud.

Shirarka oo socday tan iyo shalay oo Jimco ahayd ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar kamid ah safiiradda dalalka caalamka qaabilsan Soomaaliya, wakiilo ka socda Ururadda IGAD, Midowga Afrika iyo Qaramadda Midoobay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxda ay quus ka muujiyaan inay iyaga la fariistaan madaxda dowladda ayna doonayaan in saaxiibadda Soomaaliya ay soo farageliyaan khilaafka kala dhaxeeya Villa Soomaaliya, si ay ugu cadaadiyaan inay miiska wadahadalka yimaadaan.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxwayne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mar sii horeysay gaashaanka ku dhuftey daraf saddexaad oo muranka soo kala dhex-gala xili ay baaqdeen shirar dhowr ah oo uu Madaxwaynuhu ku baaqey.

Madaxwaynayaasha saddexda ah ayaa xogta aan helayno waxay tilmaameysaa in kulanka laysla soo qaadeen suurtagalnimadda inay dib udhigaan shir ay Gollaha Iskaashiga maamuladda uqorsheeyeen inuu 10-ka bishaan ka furmo Garowe, xarunta Puntland.

Xogta ayaa inaas ku dareysa in xubnaha Beesha Caalamka ay usoo jeediyeen madaxdani inay diyaar uyihiin inay xal ka gaaraan is-fahanwaagaan siyaasadeed, inkasta oo aysan ucaddeynin qaabka ay doonayaan inay umaraan.

"Beesha Caalamka waxay caddeysay inay diyaar u tahay xal u keenista khilaafka siyaasadeed. Balse, ma aysan soo bandhigin qaabka ay doonayaan inay uxaliyaan," ayuu yiri masuul magaciisa ka gaabsadey oo si hoose ula hadlay warsidaha GO.

Kulamada madaxda maamulada ayaa ku Soo beegmaya xilli Aqalka sare ee Soomaaliya  dhowaan magacaabeen guddi qayb ka qaata xalinta khilafaadka u dhexeeya maamul goboleedyada iyo dowlada Federaalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM