Maamulka Biden oo miisaamaya dalab uga yimid Soomaaliya

Image
Diblumaasiyiin, saraakiil ciidan iyo howlwadeeno xafiis ayaa xaqiijiyey dalabkan ka yimid xukuumadda Muqdisho.

WASHINGTON, USA - The New York Times ayaa qortay in maamulka Biden uu ka fekerayo codsi uga yimid dowladda Soomaaliya oo ku saabsan in Mareykanka uu dabciyo xayiraadaha duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militariga ay la beegsanayaan maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen dhowr sarkaal oo Ameerikaan ah.

Codsigan ayaa ku soo beegmaya xilli ay maamulka Hassan Sheikh uu bilaabay guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab ayna qeyb ka yihiin dadka degaanka.

Biden ayaa sidoo kale dhawaan 450 askari oo Maraykan ah dib ugu soo daad gureeyay Soomaaliya, isagoo ka noqday ka bixitaankii degdega ahaa ee Trump amray Janaayo 2021.

"Maqaalkani waxa uu ku salaysan yahay waraysiyo lala yeeshay in ka badan nus darsin saraakiil Maraykan ah, diblomaasiyiin iyo saraakiil maamul, oo ay weheliyaan dhawr sarkaal oo Soomaali ah iyo dad leh hay'ado bini'aadantinimo iyo kuwo siyaasadeed oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya," ayay raacisay NYT.

Sarkaal kamid ah kuwa la wareystay ayaa yiri: "Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay doonaysaa in howl-wadeennada ciidamada Mareykanka ay awood u yeeshaan inay weeraraan kooxaha Al-shabaab oo laga yaabo inay khatar ku yihiin ciidamada Soomaaliya - xitaa haddii aysan hadda xabbad ku ridin".

"Talaabadan noocan oo kale ah waxay sii kordhinaysaa ku lug lahaanshaha Maraykanka ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee mudada dheer socday," ayuu hoosta ka xariiqay.

Bishii May, Soomaaliya waxaa madaxweyne ka noqdey Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna xilkan hayay intii u dhaxeysay 2012 ilaa 2017. Tan iyo markii uu xafiiska ku soo noqday, wuxuu mudnaanta koowaad siiyay ciribtirka Al Shabaab.

Soomaaliya hadda waxay xarun u tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee Mareykanka. Ciidamada ayaa inta badan duqeymaha ay halkaasi ka geystaan ​​waxa ay ku macneeyeen "is-difaac wadareed" oo ay sameynayaan ciidamada saaxiibada la ah Soomaaliya oo mararka qaar u baahda damanad qaad la xiriira duqeymaha ay fulinayaan.

Damaanad-qaadka ayaa ku saabsan macluumaadka mukhaabaraadka ee ka yimaada laamaha ammaanka Soomaaliya maadaama dhowr jeer xog khaldan ay horseeday dhimashadda dad shacab ah. Washington ayaa illaa haatan sanadkan waxay Soomaaliya ka geysatay 11 duqeymo cirka ah waxaana ugu dambeysay Buuloburde, HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM