Maamulka gobolka Banaadir oo digniin u diray waalidiinta

Image
Fariinta ayaa salka ku haysa dhalinyaradda abaabulan ee khal-khalka gelinaya amniga caasimada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Gobolka Banadir ayaa jawaab deg deg ah ka bixiyey cabashooyin mudooyinkii u danbeeyay kasoo gaarayey shacabka ku nool xaafado ka mid ah degmada Dharkenley kuwaas oo ka cabanayey dhalinyaro koox ahaan isku abaabulay oo loo garan ogyahay "Ciyaal Weero".

Ciyaal Weerada ayaa dhibaato weyn ku haya bulshada ku nool degmada Dharkenley iyagoo dadka dilaya, dhacaya, haweenka kufsanaya guryaha iyo gaadiidkana dhulka burburinaya.

Maamulka Degmada Dharkenley iyo taliskooda booliska oo wada jira ayaa xaley howlgal balaadhan ka sameeyay xaafadaha degmadaasi, iyagoo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro badan oo la isugu geeyay barxada weyn ee Saldhigga Galbeed, halkaasoo isku shaandheyn kadib xabsiga la dhigay qaar kamid ah dhalinyarada Ciyaal Weerada iyo hoggaankooda oo qaarkood xiligaasi ku hubeysnaa baangado iyo mindiyo ay ku wax yeeleynayeen dadka rayidka ah.

Taliyaha Booliska degmada Dharkenley, Macalin Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in aysan u dulqaadan doonin dhibaatada ay dhalinyaradaasi dadka shacabka ah ku hayaan, isagoo waalidiinta uga digay in ay ilmohooda mar marsiyo aan waxba ka jirin u raadiyaan marka saldhigyada lagu xiro.

"Haddii cunugaagii oo gacanta lagu hayo ka daba imaato oo aad tiraahdo kama tirsaneyn waa inkirmaad ama difaacid, haddaad qarisaa la mid ah hadaad soo sheegi weyso ayaa la mid ah haddaad wax ka qaban weyso ayaa la mid ah," ayuu yiri taliye Aadan.

Dhankiisa guddoomiyaha Degmada Dharkenley Guhaad Sheekh Xasan Cali ayaa sheegay in ay wadi doonaan Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal weerada, asigoona dhinaca kale fariin u diray waalidiinta ku dhaqan Degmada Dharkenley si ay gacan uga siin lahaayeen Maamulka ka hortaga Dhalinyarada dhibaatada ku heysa Bulshada.

Dhalinta Ciyaal Weerada ayaa horaanti kasoo bilaabatay Degmada Kaaraan halkaas oo dhibaatooyin fara badan ay ku hayaan dadka ku nool degmadaasi, waxaana la saadaalinayaa in ay ku fidi doonaan degmooyin badan oo ka mid ah gobolka Banadir

GAROWE ONLINE

Related Articles

James Swan oo mar kale loo magacaabay ergayga UN-ka ee Soomaaliya

Mr Swan ayaa badalaya Catriona Laing oo ay dhowaan cabasho uu ka gudbiyey maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 01:21AM

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM