Koonfur Galbeed oo la Saftay Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka

Image

BAYDHABO, Somalia - Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya, ayaa maanta oo Isniin ah ku dhawaaqay inuu la saftay Sacuudiga iyo Xulufadiisa, oo 5-tii bishii June xiriirkii u jaray dowladda Qadar.

War Saxafaadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaaliya ayaa lagu shaaciyay go'aankan, oo kusoo beegmaya xilli dowladda Federaalka ay meel dhex-dhexaad ah iska taagtay Khilaafka u dhaxeeya dalalka Khaliijka Carabta.

Konfur Galbeed ayaa sheegtay in Dowladda Federaalka aysan wada-tashi kala sameyn Maamul Goboleedyada iyo Shacabka Soomaaliyeed Go'aankii dhex-dhexaadka ahaa ee ay ka qaadatey xisaada diblomaasiyadeed ee ka taagan Khaliijka.

Koonfur Galbeed ayaa xustay in Somaaliya xiir qoto dheer oo taariikhi ah kala dhexeeyo Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, sidaasi darteedna aysan dhex-dhexaad ka noqon karin Khilaafka kala dhaxeeya Qadar.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dalalka Sacuudiga Imaaraadka carabta uu la leeyihiin Somaaliya Xiriir qarniyo soo jeetamayay, oo ku qotama dhaqanka iyo Ganacsiga, kaasi oo 20-sano ee lasoo dhaafay sii xoogaystay.

Koonfur Galbeed waxay kaloo tilmaantay in labadan dalka ay Somaaliya garab istaageen xilliyadii adkaa ee Abaaraha iyo Colaadda ay jireen, oo kaalmooyin bini'aadanimo siinayeen shacabka.

Go'aankan ayaa soo baxay kadib markii dhawaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan uu booqasho ku tagey dalka Imaaraadka Carabta, oo kulamo kulas oo qaatey mas'uuliyihiin katirsan dalkaasi.

Waa maamulkii labaad oo qaata go'aan uu kula safanayo Sacuudiga iyo Xulufadiisa, iyadoo dowladda dhexe ay dhex-dhexaad ka noqotay khilaafka wadamada Khaliijka, oo soo billowday 5-tii bishii June.

Maamul Puntland ayaa la safatay bishii August Sacuudiga iyo Imaaraddka, iyagoo ku taageeraya muranka kala dhaxeeya dalka Qadar.

Hoos ka Akhriso War Saxaafadeedka oo Luuqada Ingiriiska ku qoran;

GAROWEONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM