Madaafiic lagu weeraray xerada Xalane iyo garoonka Muqdisho

Image
Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay gudaha xerada Xalane.

MUQDISHO, Soomaaliya - Tiro hoobiyeyaal ayaa maanta oo Khamiis ah waxay ku dhaceen xaafadaha kaabiga ku haya garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho iyo xerada Xalane.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay gudaha xerada Xalane halka mid kale laga soo sheegay Xaafada Ceelqalow ee degmada Wadajir.

"Inkasta oo uusan wax khasaaro ah geysan, mid kamid ah madaafiicda wuxuu ku dhacay nawaaxiga xarunta mid kamid ah hay'adaha Qaramada Midoobay," ayuu yiri goobjoogahan.

Sidoo kale, madfaca laga soo sheegay inuu ku dhacay afaafka xaafadaha shacabka dagan yihiin ee xiga dhanka degmadda Wadajir ayaa waxaa la wariyay inuu ku dhaawacmay hal qof.

Ma jirto illaa haatan koox sheegatay weerarkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa ka dambeeya Al-Shabaab. Dhanka kale, laamaha ammaanka ayaa illaa haatan wax war ah kasoo saarin.

Xerada Xalane oo ammaankeeda aad loo adkeeyo ayaa waxaa dagan dhamaan hay'adaha reer galbeed ee taageera dowladda federaalka Soomaaliya iyadda oo horey dhowr jeer sidaan oo kale loo beegsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM