Madasha Badbaado Qaran oo shir ku dhawaaqday

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Badbaado Qaran ayaa Talaadada maanta ah waxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ay kaga dhawaaqeen shir barbar socda kulanka u furmay Villa Soomaaliya iyo xulafadeedda.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddoomiyaha Golahan ay ku mideysan Puntland, Jubaland, Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta gobolada waqooyi, aya xusay in wadaxaajoodyada ay sii socon doonan maalmaha soo aadan.

Shaacintan ayaa timid markii xubnaha golaha ay kulan gaar ah ku yeesheen Airport Hotel oo ku dhexyaala xeyndaabka xeradda aadka loo adkeeyo ammaankeeda ee Xalane ayna degan yihiin diblumaasiyiinta reer Galbeedka.

Sidda uu xusay Cabdi Xaashi, shirkan wuxuu ahaa kii koowaad ee Madasha Badbaado Qaran taasoo todobaadkii horey ay iclaamiyeen xubnaha siyaasad ahaan ka aragtida maamulka waqtiga ka idlaadey ee Farmaajo.

"Madashan waxaa loo aas-aasay sidii dalkan loo badbaadin lahaa iyo sidii looga saari lahaa xaaladan murugsan ee haatan aan ku jirno ee mudada dheer aynu u taagan nahay," ayuu Senator Cabdi Xaashi ku daray hadalkiisa.

Xilli uu walaac ka muujiyey xaalada amni ee dalka, Mr Xaashi oo maamulka Farmaajo ay isku hayaan maareynta xulista wakiilada Somaliland ayaa hoosta ka xariiqay sidda ay muhiim u tahay in si degdeg ah xal loo helo.

"Madahsa shirkeeda waa bilowday waana sii soconayaa illaa laga helayo wax Soomaali ay heshiis ku tahay. Madashani waxay u dhalatay Soomaali wax kalana ma ahan waa badbaadin dalka," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM