Madasha Badbaado Qaran oo si adag ugu digtay Mursal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasho Badbaado Qaran oo war qoraal ah soo saartay ayaa si adag u cambaareysay isku dayga muddo kordhinta madaxweynaha iyo baarlamaanka federaalka.

Sidda ku xusan war-saxaafadeedka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe, madashu waxay kasoo horjeedaa talaabada fadhiga Aqalka Hoose looga mamnuucay 15-ka Xildhibaan.

"Waxay Madashu masuuliyada dhibka soo gaara 15 ka xildhibaan ee loo hanjabay dusha ka saaraysa guddoomiyaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Golaha Shacabka, Mudane Maxamad Mursal Sheekh C/raxmaan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhawaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli Golaha Shacabka uu berri u balansan yahay shir kaasoo ajandaha la shaaciyey uu yahay Covid-19, u coddeynta laba xubnood oo guddiga madaxa-banaan ee xuduudaha iyo u coddeynta sharciga qaxootiga Qaranka.

Balse, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa waxay sheegayaan in uu jiro ajande qarsoodi ah kaasoo ah in muddo kororsi loo sameeyo madaxweynaha iyo xeer-dejinta waqtiga ka dhacay.

Dhanka kale, madasha ayaa caddeysay in ay kasoo horjeedo ciidamadda ka tirsan hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka qaranka ee lagu daabulay xarunta Golaha Shacabka ee caasimada Muqdisho.

"Talaabadani waxay tusaale cad u tahay qorshaha lagu doonayo in ciidanka loo adeegsado boobka doorashooinka dalka," ayaa lagu yiri qoraalkan luuqadda adag lagu daabacay.

Ugu dambeyntii, Madasha Badbaado Qaran ayaa dalbadey in mas'uuliyadda ammaanka waddanka laga wareejiyo madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga uu idlaadey Maxamed Farmaajo.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM