Madasha Badbaado Qaran oo warqad culus u dirtay AU

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Badbaado Qaran ayaa qoraal deg-deg ah waxay u dirtay Midowga Afrika gaar ahaan Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee ururkan ay ku mideysan yihiin dalalka qaarada Afrika.

Warqada oo ku taariikheysan 22-ka April isla markaana nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in Farmaajo uu wado "afgembi dastuur" una taagan yihiin sidii ay u baajin lahaayeen.

Farmaajo ayay tibaaxeen in uu halis ku yahay dedaaladda ay qeyb kamid ah bixineyso AU isla markaana ujeedkoodu yahay sidii Soomaaliya u noqon lahayd waddan xasiloon oo dowladnimadiisu ay meel sare gaarto.

"Madasha Badbaado Qaran waxay caddeyneysaa in xudunta khilaafka aanu ahayn doorasho kaliya balse waa suurtagalnimada in hal ciyaaryahan oo ku jira masraxa siyaasadeed ee Soomaaliya uu doonayo in uu hareer maro mabaadi'da dib-u-heshiisiinta, isu tanaasulka iyo wada-ogolka," ayaa la raaciyey qoraalkan luuqadda adag lagu qoray.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 ayay hoosta ka xariiqeen in uu yahay caqabada kaliya ee hortagaan qabsoomida doorashooyin daahfuran oo loowada dhan-yahay.

Midowga Afrika ayay ku tartarsiiyeen in ay qaadana talaabooyin deg-deg ah oo ay uga hortagayaan in ay "xaqiiqo isku bedelaan" qorsheyaasha Farmaajo ku fekerayo oo ay si dadban ugu qeexeen "kelitalisnimo".

Muddo kororsiga iyo talaabada Farmaajo ku saxiixay qaraarka Aqalka Hoose kasoo baxay ayay ku sifeeyeen mid aan dastuurka waafaqsaneyn, waxaana ay soo jeediyeen in Beesha Caalamka soo farageliso xalka.

"Saldhiga dhexdhexaadin kasta waa in uu noqdaa diidmada muddo kororsiga, ku noqoshada wadahadaladda iyo xal u helida arrimaha waaweyn," ayay raaciyeen ayagoo u muuqda mid qad casaan u xariiqaya AU-da.

Ugu dambeyntii, waxay caddeeyeen in dhankooda haddii ay yihiin Madasha Badbaado Qaran in ay diyaar u yihiin doorasho loo-dhan-yahay, hufan xalaalna ah "taasoo u wanaagsan guud ahaan dadka Soomaaliyeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM