"Madaxda DF waxay diyaarinayaan ciidan doorasho u booba"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda waqtiga dastuuriga ah ka dhamaadey ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxay diyaarinayaan ciidamo u booba doorashooyinka, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa Arbacada maanta ah wuxuu daaha ka rogay in taliska ciidanka uu haatan kala shaandheynayo askarta daacada u ah Farmaajo iyo kuwa diidan.

Sidda laga soo xigtay Warsame, taliyaha milatariga, Odowaa Yuusuf Raage, iyo taliyaha ciidanka lugta, Jeneraal Biixi, ayaa ku howlan kala saarida ciidamadaas oo kuwa shakiga laga qabo loo dirayo furimaha dagaalka argagixisada.

"Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo. Taliyaha ciidanka Generaal Odawaa iyo taliyaha ciidanka lugta Gen. Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan," ayuu Warsame ka dhawaajiyey.

Wuxuu ku daray: "Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka".

Siyaasiga ayaa kusoo xiray: "Waxaan uga digeynaa taliyaha ciidanka in uusan horseedin burburka ciidanka, kana saaro ku milanka siyaasada, waana in uu ogaadaa in waa lay amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo".

Dhanka kale, taliska ciidamadda iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin sheegashadda Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Isku-dayo uu mareega Garowe Online doonayay in uu ku gaaro ayaanan guuleysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM