​Madaxda dowladda iyo AMISOM oo Shir uga socda Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Xarunta Xalane, ee Muqdishu waxaa ka socda Shir looga hadlayo amaanka Somalia, kaasi oo ay ka qeybgalayaan Mas'uuliyiin sare oo katirsana dowladda iyo Taliyaasha AMISOM.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Saraakiisha laamaha amniga ayaa ka qeybgalay Shirkan oo diirada lagu saarayo diyaarinta Ciidan qaran oo AMISOM kala wareegi kara mas'uuliyada amaanka dalka.

Madaxa AMISOM iyo Ergayga Midowga Afrika ee Somalia Amb. Francisco Madiera, Saraakiil ciidan oo ka socota Midowga Yrurub, Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa sidoo kale ka qay galay kulankaas.

Madiera oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Somalia loo diyaariyo ciidamo awood leh, oo buuxin kara booska AMISOM sanadka 2018-ka, sidoo kale sugi kara amaanka doorashada 2021.

Shirkan oo socon doono mudo afar maalmood ah ayaa waxaa la filayaa inay kasoo baxaan go'aanno a xiriira qorshaha AMISOM uga baxayaan Somalia, iyo qaabka loo soo afjari karo dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Bishii April ee ina  dhaaftay, Madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, ayaa ku heshiiyay inay dhisaan Ciidan Qaran oo mideysan, kaas oo AMISOM kala wareegi kara Amaanka guu dahaan dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Addis Ababa xili Al-Shabaab oo Qabsatay Maxaas

Macwiisleyda ayaa ka filayay Al-Shabaab dhanka waqooyi inay uga imaanayso, balse Koonfurta ayaa looga yimid.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 12:41PM