Madaxda Soomaalida oo loo digay kahor kulanka doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa war-saxaafadeed wadajir ah kasoo saarey xaalada Soomaaliya oo siyaasad ahaan aan xasilooneyn.

Dhinacyada oo bayaankooda uu soo baxay Khamiistii shalay ayaa "si qoto dheer uga qoomameeyay" go'aanka Villa Soomaaliya ku diidey ergayga AU, John Mahama, oo soo noqdey madaxweynaha dalka Ghana.

Wadahadaladda la filayo in Sabtida todobaadka dambe ay dib-uga-bilowdan Muqdisho ayay taageereen kana digay "isku day kasta oo lagu carqaladeynayo geedi-socodkan iyo in heshiis lagu gaaro".

"Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in wadahadalada ay fursad muhiim u yihiin qabashada doorashooyin ku saleysan heshiiska 17-kii September, waxaana adkeynayaa ka qeybgalka dhamaan daneeyeyaasha," ayay xuseen.

Ururadan oo kamid ah daneeyeyaasha ugu muhiimsan ee arrimaha Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay in aysan marnaba taageeri doonin doorasho hal dhinac ah ama geedi-socod is-barbar socda.

"Annaga oo adkeynaya ahmiyada in uu guuleysto shirka soo aadan waxaan ku boorineynaa dhamaan hogaamiyeyaasha in ay diirada saaraan ka qeybgalka wadaxaajoodyada kana fogaadaan ficilo horseeda in xiisada sii karaar qaadato isla markaana horseeda isku-dhacyo," ayay kusoo gabagabeeyeen war-saxaafadeedkan uu arkay Garowe Online.

Shirka Muqdisho waxaa hogaaminaya ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble. Inkasta oo rajada laga qabo ay aad u xoogan tahay, haddana waxaa hareer socda baqdin ah in is-afgarad uu kusoo dhamaan waayo.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM