Madaxda Soomaalida oo la shiray Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble, madaxwayneyaasha maamulada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish oo maanta Muqdisho kula shiray wakiilada Beesha Caalamka ayaa uga warbixiyey habka fulinta heshiiska doorashada.

Diblumaasiyiinta waxay bogaadiyey is-afgaradka uu kusoo idlaadey wadahadaladii asbuucii hore kaasoo lagu soo afjaray khilaafka mudada dheer ka taagnaa hanaanka doorashooyinka Soomaaliya ee dib-u-dhaca badan uu hareeyay.

"Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay weheliyaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya," ayuu yiri xafiiska Rooble.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka siiyey Wakiilada Beesha Caalamka heshiiskii laga gaaray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabsoomida doorasho caddaalad ah oo dhinacyadu u siman yihiin".

"Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee Khamiistii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo balan qaadeen  sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Dhanka kale, qoraalo kasoo baxay xafiisyada madaxwayneyaasha maamulada Soomaaliya ayaa lagu caddeeyay in kulanka wakiilada Beesha Caalamka uu kusoo dhamaadey guul isla markaana ay guda gelayaan dhaqan-gelinta heshiiskii Muqdisho looga dhawaaqay todobaadii lasoo dhaafay.

"Kulankan ayaa lagu wargalinayey beesha caalamka heshiiskii ay saxiixeen Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Dhaxe iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Faderaalka Soomaaliya 27 May 2021, iyadoona looga mahadcelinayey taageerada ay beesha caalamka ku bixineyso hirgalinta Doorashooyinka," ayay tiri Madaxtooyadda Jubaland.

Heshiiska doorashadda ayaa xeerinaya in coddeynta ay ku qabsoonto muddo 60 maalmood oo u dhiganta laba bilood. Dadka odorasaya siyaasada Soomaaliya waxay xusayaan in waqtiga yar yahay, balse looga gol-leeyahay in Beesha Caalamka ay si deg-deg ah ku bixiso dhaqaalaha lagu kabayo doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo cashar ka baranaysa qorshaha horumarinta da’yarta ee Finland

Wasiirada Dhalinyarada labada dal ayaa yeeshay fadhi labo geesood ah kaas oo diirada lagu saarey qodobo kala duwan.

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 03:21AM

Shir ay ka qeybgaleen saraakiil Itoobiyaan ah oo lagu soo xiray Muqdisho

Shirkan ayaa dabo socda shir bishii Feberaayo lagu qabtay magaaalada Kismaayo.

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 03:14AM