Madaxda Soomaaliya oo shir uga bilowday Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Is-araggan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu ku jiro dagaal ka dhan ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa Khamiista maanta ah waxay wadahadalo maalmo qaadan doona waxay uga bilowdeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo marti-gelinaysa wadaxaajoodyadan ka dhacaya Aqalka looga taliyo waddanka ayaa is-aragan waxay ku qeexdey "Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka".

Balse, Villa Soomaaliya oo qoraal aad u kooban kasoo saartey furitaanka kulanka ayaan soo bandhigin ajandaha shirka ama qodobadda lagu qaadaadhigi doono shir madaxeedkan.

Koonfur Galbeed waxay warisay: "Shirka ayaa Madaxdu uga wada hadli doonaan Xaaladda guud ee Dalka gaar ahaan Howlgalada socda ee lagula dagaalamaayo Argigixisada Al-Shabaab".

Ma jirto cid kale oo ka warbixisay qodobadda lagu lafaguri doono. Maamuladda kale iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha oo ka qeybgalaya wali kama aysan hadlin ajandaha miiska u saaran madaxdan.

Hase ahaatee, warbixino soo baxaya ayaa muujinaya in qeybsiga kheyraadka, siyaasadda, ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab ay kamid yihiin arrimaha ay isla-qaadaa dhigayaan hogaamiyeyaasha.

Is-araggan ayaa sidoo kale wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo dalka ku jiro dagaal isla markaana dowladda ay waddo abaabul xooggan oo dibada iyo gudaha ah si ay u soo afjarto xoogaga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shiinaha oo ka hadlay dib u dhaca booqashada Wasiir Wang Yi ee Muqdisho

Bayaan ay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho soo dhigtay fiidnimadii Jimcaha, ayay Beijing ku sheegtay in la beddelay jadwalkii safarka Wang Yi.

  • Soomaliya

    10-01-2026

  • 07:36AM

Soomaaliya oo Booqasho ay ku Tilmaantay Sharci-darro Cambaareysay

Warsaxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay Talaadadii…

  • Soomaliya

    06-01-2026

  • 09:52PM