Madaxii Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan oo howlgal lagu dilay

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Taliska ciidanka xooga Soomaaliya, qeybta Hiiraan ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada fuliyeen lagu dilay madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolkaasi, kaasoo uusan magaciisa shaacin.

Taliyaha Ciidamada Amniga ee Gobalka Hiiraan, Carab Yuusuf Nuur ayaa intaas ku daray in howlgalka ay ku khaarijiyeen dagaalamayaal kale oo Shabaab kamid ahaa, kuwaasoo uu tiradood ku qiyaaseyTobbaneeyo.

Nuur ayaa intaas ku daray inay sii wadi doonan gulufka ka dhanka Al-Shabaab, inkasta oo uusan soo hadal-qaadin hadii howlgalka ay ku wehliyeen ciidamada midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasi oo gobolka ku sugan.

“Howlgal ay sameeyeen ciidamada xooga dalka, waxaa lagu dilay sarkaal sarre oo ahaa Hogaamiyihii Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan, iyo ilaaladiisa. Waana sii wadi doonaa baacsiga cadowga,” ayuu yiri Taliyaha.

Ma jiro war rasmi ah oo ay kasoo saartay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda, kaasi oo jawaab u ah sheegashada taliska milatariga Soomaaliya, kaasi oo imaanaya xili degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka uu ka socdo Guluf ka dhan Shabaab.

Shalay oo Arbaco ah ayey ahayd markii Taliska ciidanka xooga ee gobolka Shabeellaha Dhexe uu sheegtay inay howlgal ku dileen Khabiir dhinaca Qaraxyadau qaabilsan Shabaab, sarkaal Pakitan u dhashay iyo dagaalamayaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM