Madaxii weerarada Al-Shabaab ee Muqdisho oo Duqeyn lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqayn xooggan oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo aanan wali la hubin dalka laga leeyahay ayaa ku beegsaday degaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada Hoose saldhig ay ku sugaanaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Idaacadda ku hadasha afka dowlada Soomaaliya ayaa baahisay Axadda maanta ah in weerarkaan cirka ah lagu dilay 11 kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab oo uu ku jiro sarkaal ay magaciisa ku sheegtay Subeyb.

Subeyb ayaa dhowaan loosoo magacaabay masuulka kooxda gacan-saarka la leh Al-Qaacida ee gobolka Banaadir, sida laga soo xigtay warbixinta ay baahisay Idaacadda wararka ufaafisa xukuumada Muqdisho.

Ma jiro war rasmi ah oo jawaab u ah sheegashada dowladda Soomaaliya oo kasoo baxay xoogaga laga saarey Muqdisho sanadkii 2011-kii, balse wali dhaqdhaqaaqyo ka sameynaya gudaha iyo magaalda caasimada ah.

Mudo labo bil ku siman, waa horjoogihii sedaxaad ee argagaxisada ugu magacownaa gobolka Banaadir oo duqeyn lagu dilay waxaa horey loo dilay C/naasir iyo C/weli,” ayaa lagu yiri warka uu baahiyey Radio Muqdisho.

Duqayntaan ayaa kusoo aadaysa xili todobaadyo kahor uu Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika uu sheegtay in duqayn uu ka geystay qaybo kamid ah Jubooyinka uu ku naf-gooyey dagaalamayaal Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo ku dhawaaqay fashilka shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh

Intaa waxaa dheer, Madashu waxay xooga saartay muhiimadda ay leedahay in dib loo bilaabo wada-hadallada qaran.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 02:41PM

Dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa sidoo kale la sheegay in ay dhaawacyo culus kasoo gaareen iska horimaadyada.

  • Soomaliya

    14-08-2025

  • 11:32AM