Madaxwayne Deni oo Boosaaso ka daahfuray dhismaha jaamacad cusub

Image
Dhismahan cusub waa xarunta dhexe ee Jaamacadda City Cot oo laga hirgeliyay magaaladda Boosaaso.

BOOSAASO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xariga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta dhexe ee Jaamacadda City Cot oo laga hirgeliyay magaaladda Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Deni ayaa boggaadiyay dadaalka Waxbarasho ee ka socda Puntland oo ay Jaamacaddan qeyb ka tahay, wuxuu Madaxweynuhu kula dardaarmay Maamulka Jaamacadda in la illaaliyo tayada waxbarashada iyo horumarinteeda, isagoo sidoo kale Ardayda Jaamacadda ku booriyay in ay ka faa’ideystaan fursada waxbarasho.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ku dhiirigeliyey horumarka ay sameenayaan Jaamacadaha Puntland, ayaa xusay in Ururka Jaamacadaha oo aysan qeyb ka aheyn Jaamacadaha qaar uusan suuragal aheyn sidaa darteed loo baahanyahay in laga wada qeybgeliyo dhammaan Jaamacadaha Puntland.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda , Duqa degmada Boosaaso Mudane Cabdifataax Shanle iyo Maamulka Jaamacadda City Cot ee magaalada Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM