Madaxwayne Deni oo dhagax-dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland

Image
Munaasabada waxa ka qayb galay Goleyaasha dowladda Puntland iyo wefti ka socda Shirkada IHS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Said Abdullahi Deni oo safar shaqo maanta kusoo gaaray Caasimada Puntland ee Garoowe, ayaa dhagax dhigay Isbitaalka ugu weyn Puntland ee International Healthcare System (IHS).

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay dhismaha Isbitaalkan casriga ah oo noqonaya kii u horeeyey ee noociisa ah islamarkaana laga hirgeliyo deegaaanada Puntland isaga oo dabooli doona baahiyihii Caafimaad ee loo aadi jiray dalka dibediisa.

Madaxweynaha ayaa muujiyey sida ay dowladda Puntland uga go’an tahay garab istaaga, soo dhoweynta iyo dhiirigelinta cid walba oo maalgashanaysa dalkooda, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyey Dr. Darman Aden, MD, FACP oo ka socday Shirkada IHS Health Care System.

Munaasabada waxa ka qayb galay Goleyaasha dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, La-taliyeyaal Madaxweyne, wefti ka socda Shirkada IHS iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa dib ugu laabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, oo ay ka socdaan dardargelinta Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM