Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

Garoowe, 10 Luulyo 2025 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Charles King, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulankan muhiimka ah oo ay sidoo kale ka qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda guud ee siyaasadda iyo amniga Soomaaliya, arrimaha gudaha ee Puntland — gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, iyo mashaariicda horumarineed ee Dowladda Ingiriiska ka fuliso Puntland.

Intii uu socday kulanka, Safiirka Dowladda Ingiriiska ayaa muujiyay taageerada joogtada ah ee dalkiisu u hayo Puntland, isaga oo xusay sida muhiimka ah ee ay tahay in si dhow loo wada shaqeeyo si loo xoojiyo nabadda iyo horumarka gobollada dalka.

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad, taasoo loogu talagalay in lagu taageero hawlgalka milateri ee ka socda buuraleyda Calmiskaad ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada. Deeqdan ayaa qeyb ka ah dadaalka ay UK ku garab taagan tahay Puntland xilligan ay si geesinimo leh ula tacaalayso khataraha nabadgelyo ee gobolka.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska doorkeeda firfircoon iyo taageerada ay siiso Puntland, isaga oo carabka ku adkeeyay sida ay Dowladdu uga go’an tahay in la ciribtiro argagixisada, lana dhiso hay’ado dowladeed oo tayo leh, si shacabka Puntland u helaan nolol amni iyo horumar leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM