Madaxweynaha HirShabeelle oo gobolka Hiiraan ka sameeyay Maxkamad Islaami ah

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa soo saaray wareegtooyin labo ah oo maxkamado Islaami ah loogu samayay gobolka  Hiiraan iyo degmada Baladweyne ee caasumadda gobolkaas.

Qoraal maanta kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Cosoble, ayaa lagu sheegay in xalka gobolka iyo degmada loo arkay in la sameeyo maxkamad Islaami ah si loo helo Garsoor caadil ah oo wax ka qabta khilaafaadka daba dheeraaday ee ka dhex aloosan shacabka reer Hiiraan.

Samaynta Maxkmaddan ayaa Madaxweynuhu sheegay inuu u cuskaday rabitaan ka yimid shacabka iyo talo soo jeedin uu sameeyay wasiirka Garsoorka maamulka HirShabeelle.

Maxkamadda Racfaanka ee loo sameeyay gobolka Hiiraan, waxaa Guddoomiye looga dhigay Sh. Ibraahim Xasan Cali, kaasoo lagu lammaaniyay Labo Garsoore iyo hal Kaaliye.

Dhinaca kale Maxkamadda degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaa Guddoomiye looga dhigay Sh. Roobe Yuusuf  Nuur, waxaana lagu lammaaniyay, Labo Garsoore, Labo Kaaliye, Gaarsiiye iyo Agaasimaha Gal-dacwadeedka.

Waxaa lagusoo aadiyay xilli maxkamado dowladdi iyo madani isugu jira ay ka jireen gobolka Hiiraan.

Ilaa hadda arrintan kama aysan hadlin shacabka reer Hiiraan iyo degmada Baladweyne siday u arkaan, balse waxay kusoo aaday xilli inta badan xarunta gobolkaas ay ka dhacaan dagaallo la xariira murano ka dhasha daaqsinka, dhulka iyo anooyin Qabiil oo muddo soo noq-noqday.

Lama oga in arrintan wax ka badali doonto xaaladda gobolka Hiiraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM