​Madaxweynaha Jubbaland oo buuxiyay Booska Wasiir looga dilay Muqdishu

Image

KISMAYO, Somalia - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta magacaabay Wasiir cusub, oo si KMG ah u heyn doono Xilka Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamulkiisa.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Madoobe, ayaa xilkaas loogu magacaabay Xildhibaan Cabdi Waxiid Axmed Yare, isagoo bedelaya Allah u Naxariistee Maxamed Maxamuud Yuusuf Aw libaax, oo ku dhintay qaraxii ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi 22 Bishii June, ee 2017.

Madaxweyaha ayaa Alle ugu rajeeyay Wasiirka cusub inuu ku guuleeyo Mas'uuliyadda iyo shaqada culus, ee loo dhiibay waxaana uu kula dardaarmay inuu si daacad ah ugu adeegga shacabka reer Jubbaland, gaar ahaan dhalinyarada.

Wali Xildhibaan Cabdi Waxiid Axmed Yare, kama uusan hadlin xilka sida KMG ah loogu magacaabay.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland waxay kamid tahay Wasaaradaha aan waxqabadkooda muuqan, sababtuna lagu sheegay inay tahay Xafiiyo wanaagsan, oo ay ku shaqeyso oo aanay haysan, iyo adeegeeda oo aan wada gaarin dhamaan degmooyinka Jubbaland.

Halkan hoose ka akhriso Digreetada Madaxweynaha Jubbaland:

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM