​Madaxweynaha Jubbaland oo buuxiyay Booska Wasiir looga dilay Muqdishu

Image

KISMAYO, Somalia - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta magacaabay Wasiir cusub, oo si KMG ah u heyn doono Xilka Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamulkiisa.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Madoobe, ayaa xilkaas loogu magacaabay Xildhibaan Cabdi Waxiid Axmed Yare, isagoo bedelaya Allah u Naxariistee Maxamed Maxamuud Yuusuf Aw libaax, oo ku dhintay qaraxii ka dhacay Saldhiga degmada Waaberi 22 Bishii June, ee 2017.

Madaxweyaha ayaa Alle ugu rajeeyay Wasiirka cusub inuu ku guuleeyo Mas'uuliyadda iyo shaqada culus, ee loo dhiibay waxaana uu kula dardaarmay inuu si daacad ah ugu adeegga shacabka reer Jubbaland, gaar ahaan dhalinyarada.

Wali Xildhibaan Cabdi Waxiid Axmed Yare, kama uusan hadlin xilka sida KMG ah loogu magacaabay.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland waxay kamid tahay Wasaaradaha aan waxqabadkooda muuqan, sababtuna lagu sheegay inay tahay Xafiiyo wanaagsan, oo ay ku shaqeyso oo aanay haysan, iyo adeegeeda oo aan wada gaarin dhamaan degmooyinka Jubbaland.

Halkan hoose ka akhriso Digreetada Madaxweynaha Jubbaland:

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM