​Madaxweynaha Jubbaland oo duleedka Kismayo Qado ugu sameeyay Wafdiga Ra'isal wasaaraha Somalia

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAYO, Somalia- Ra'isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Khayre iyo xubnaha golaha Wasiirrada ee ku weheliyey safarkiisa ayaa waxaa qado sharaf waxaa u sameeyey Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, taasi oo ka dhacday duleedka magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in qadadani ay tilmaam u tahay sida ay xili waliba Jubbaland iyo shacabkeedu ugu heelan yihiin wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa aad uga mahadceliyey Madaxweynaha Jubbaland iyo golleyaasha dawlad gobolleedka is-xilqaankooda isagoona tilmaamay soo dhoweynta iyo martiqaadkan oo kale inuu yahay mid ay caan ku tahay Jubbaland.

“Aadbaan ugu mahadcelinayaa Madaxweyne Axmed iyo dhamaan dawlad gobolledka jubbaland oo si weyn noo soo dhoweeyey runtii qada sharaftan ay noo sameeyeen waxaanu u aragnaa qaddarin , ixtiraam iyo sharaf ay noo hayaan bulshada reer Jubbaland”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha iso wafdiga la socda ayaa qadada kadib, halkaas ku maalay geel, waxana ay tani kamid tahay sida ay shacabka Jubbaland ugu faraxsan yihiin la joogitaanka madaxda dawladda Federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM