Madaxweynaha Jubbaland oo safiiro kula kulmay Nairobi [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay qaar kamid ah safiiradda dalalka caalamka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Danjirayaasha uu la kulmay Axmed Madoobe ayaa waxay kala yihiin Mareykanka, Sweden, Germany iyo Canada, kuwaasi oo saameyn togan iyo mid tabanba ku leh saaxadda siyaasadeed ee wadanka.

Warar lagu kalsoonan karo oo uu warsidaha Garowe Online helay ayaa sheegaya in shirarkaan layskula soo qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhaxeeya maamul goboleedyada dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe ayaa ugudbiyey safiiradda uu la shiray tabashooyinka ay ka qabaan dowladda dhexe, oo ay kamid tahay inaanan loo fulin heshiisyo ay kala saxiixdeen oo ay kamid tahay adkeynta amaanka, iyo faragelin ay sheegeen in lagu hayo arrimahooda gudaha.
 
Illo dhanka diblumaasiyadda ah ayaa sidoo kale tibaaxaya in arrimaha leysla soo qaaday ay kamid tahay doorka ay Beesha Caalamka ku yeelan karto dhex-dhaxaadin ay usameeyaan dowladda Federaalka iyo maamuladda xiriirka ugooyey.
 
Inkasta oo dowladda horey ucadeysay mowqifkeeda oo ay sheegtay inaanu marnaba aqbali doonin daraf saddexaad soo kala dhex-galo, hadana lama ogga waxa iska bedali kara arrinkaasi, wallow Madaxwayneyaasha dhowr jeer ku gacan-saareen shirar uu Farmaajo ku baaqay.
 
Dhinaca kale, Madaxtooyadda Jubbaland oo safarka Madaxwayne Axmed Madoobe war-qoraal ah kasoo saartey waxaa lagu sheegay in arrimaha kale oo ay isla soo qaadeen masuuliyiin ay kamid tahay sidii dowladahana ukordhin lahaayeen howlaha degaanada maamulka ka fuliyaan.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM