Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Charles King

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Boosaaso: 09 Oktoobar 2025 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambassador Charles King, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo horumarinta.

Si gaar ah waxaa diiradda lagu saaray hawlgalka lagu ciribtirayo argagixisada Daacish ee ka socda deegaanka Calmiskaad, iyo sidii loo xasilin lahaa deegaanada laga saaray kooxaha argagixisada.

Wafdiga Dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale kulan doceed la qaatay xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, saraakiisha amniga, iyo lataliyeyaasha Madaxweynaha Puntland, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo taageerada dhinacyada amniga iyo horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM