Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Charles King

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Boosaaso: 09 Oktoobar 2025 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambassador Charles King, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo horumarinta.

Si gaar ah waxaa diiradda lagu saaray hawlgalka lagu ciribtirayo argagixisada Daacish ee ka socda deegaanka Calmiskaad, iyo sidii loo xasilin lahaa deegaanada laga saaray kooxaha argagixisada.

Wafdiga Dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale kulan doceed la qaatay xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, saraakiisha amniga, iyo lataliyeyaasha Madaxweynaha Puntland, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo taageerada dhinacyada amniga iyo horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM