Madaxweynaha Somalia oo Ubuxyo Dhigay Taalada Daljirka Dahsoon ee Muqdisho

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ay weheliyaan xubno ka tirsan dowladda ayaa maanta Sabti ah ubaxyo lagu maamusyo 1-da Luuliyo dhigay taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Mudisho.

Madaxda ka soo qayb-gashay munaasabad-dan waxaa kamid ahaa wasiiro , xildhibaano ,qaar kamid ah gudoomiyayasha degmooyinka Muqdisho iyo sidoo kale dadweyne fara badan oo u soo daaawasha tagay goobta.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Somaliya ,iyadoo amniga goobta ay munaasabad-dan ka dhacaysay uu ahaa mid si weyn loo adkeeyay.

Madaxweynaha oo ay garab socdaan gabdho ka tirsan ciidanka dowladda ayaa ubaxa dhigay xarunta Daljirka Dahsoon ,halkaasi oo uu kala hadlay boqalaal kamid ah dadweynaha Muqdisho oo goobta ku sugnaa.

"Waa wax lagu faano in maanta aan halkan ku xusno 57-sano guuradii ka soo wareegatay markii ay waqooyiga iyo Koonfurta midoobeen , isla markaana goobta uu ka baxay goomistihii dalka haystay " ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad-da.

Qaar kamid ah hogaanka ciidamada Somalia ayaa iyagana goobta ka sheegay qiimaha ay maalintan ugu fadhido umadda Somaliyeed , xilli dalka uu soo maray marxalado kala duwan oo ka dhashay bur-burkii dhacay.

Ugu danbayn, munaasabdo lagu xusayo maalintan ayaa ka qabsoomay qaybo badan oo kamid ah dalka ,waxaana madaxweynaha Somaliya uu bulshada Somaliyeed ka dalbaday in laga qayb-qaato horumarka dalka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Cudur ka dilaacay Soomaaliya oo 120 qof ku dhimatay

Waxay sheegtay in heerka dhimashadu uu waxyar ka sarreeyo heerka heerka degdegga ah ee Ururka WHO oo ka yar ama la mid ah 1 boqolkiiba.

  • Soomaliya

    20-05-2024

  • 12:52PM

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM