Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Image

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa gaarey Israa'iil, halkaas oo ay ku tegay booqashadiisii ugu horeysay taasoo bog cusub u furaysa xiriirka ka dhexeeya labada maamul.

Booqashada Cirro ee Israel oo indhaha aad loogu wada hayo ayaa timid kadib markii casuumaad uu ka helay Netanyahu oo u aqoonsatay Somaliland bishii Diisambar ee sannadkii 2025 inay tahay dalka madax-banaan.

Madaxweyne Cirro ayaa horay booqasho qarsoodi ah ku tagay Israa'iil intii ay socdeen wadahadallada diblomaasiyadeed ee horseeday in Israa'iil ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland, oo ah gobolka gooni u goosad raadinayay tan iyo 1991, oo waqooyiga Soomaaliya ku yaalla.

Sida warbaahinta Israel qortay, Cirro wuxuu la kulmi doonaa Madaxweynaha Israel ayaa munaasabadda soo dhoweynta rasmiga ah loogu sameyn doonaa Aqalka Madaxtooyada Israel ee magaalada Qudus, waxaana soo dhoweyn doona Madaxweynaha Israa'iil Isaac Herzog.

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah, iyadoo ujeeddadu tahay in lagu ballaariyo iskaashiga dhinacyada amniga, ganacsiga, tignoolajiyada biyaha, tamarta iyo horumarinta.

Cirro wuxuu furitaanka safaaradda kadib la kulmi doonaa Netanyahu iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Sa'ar. Waxuu Madaxweyne Cabdiraxmaan uu tegi doonaa Buurta Herzl si uu ubax u dhigo, wuxuu kaloo booqan doonaa xarunta xusuusta ee Yad Vashem, oo lagu xasuusta dadkii yahuuda ee lagu xasuuqay Yurub inti uu socday dagaalkii 2aad ee aduunka 1941-illaa 1945.

Wafdiga Madaxweynaha Somaliland wuxuu sidoo kale kulamo la qaadan doonaa wakiillo sarsare oo ka socda ganacsatada Israa'iil, taasi oo muujinaysa dadaalka labada dhinac ay ku doonayaan inay ku qota-dheereeyaan xiriirka dhaqaale iyo maalgashiga.

Waxa ugu muhiimsan ee booqashadan ayaa ah furitaanka safaaradda Somaliland ee dhici doona habeenka Isniinta, taasi oo calaamad u ah aasaaska xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac, oo aan aqoonsi haysan.

Sida ay sheegeen mas'uuliyiin ka tirsan qabanqaabada dowladda, Madaxweyne Cabdiraxmaan wuxuu Israa'iil sii joogi doonaa ilaa maalinta Khamiista si uu ula kulmo wasiirro, mas'uuliyiin dawladeed, iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga. Waxaa kale oo la filayaa inuu booqdo aqalka baarlamaanka ee Knesset iyo goobtii ay ka dhacay weerarkii Xamas Oct 7, 2023 muusigga ee Nova.

Israel ayaa doonaysa inay Falastiinitiinta Gaza geyso deegaanadeeda, inay saldhigyo militeri oo laga weeraro xuutiyiinta ka furato Berbera iyo in Somaliland saxiixdo heshiiska Ahraman Accord.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM