Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Image
Image
Image
Image
Image

Doha, Qatar – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan rasmi ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Qatar Amiirka dalkaasi, Tamim bin Xamad Al Thani.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo sidoo kale looga hadlay arrimaha gobolka iyo taageerada walaaltinimo ee labada dowladood ay is-weydaarsanayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar, isagoo si cad u sheegay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin in la xadgudbo madax-bannaanida, amniga iyo sharafka dowladda Qatar.

Dhankiisa, Amiir Tamim bin Xamad Al Thani ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya taageerada iyo mowqifka walaaltinimo ee ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed muujiyeen, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga qotada dheer ee labada dal ka dhaxeeya.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka uu wajahayo xaalado siyaasadeed iyo amni oo murugsan, taasoo sare u qaadaysa muhiimadda ay leedahay mideynta mowqifyada dowladaha xiriirka dhow leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM